1 min read

Al-Shabaab oo Qaraxyo ku weeraray Xero ciidan oo ku taalla Baardheere.

Qaraxyo khasaare gaystay ayaa maanta barqadii lagu weeraray xero ciidamada lagu tababaro oo ku taalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxyada, oo loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa lagu soo waramayaa inay gaysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Xerada la weeraray ayaa waxaa maalmahan lagu tababarayay ciidamo la sheegay in ay weerari doonaan Jubada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa saxaafadda u xaqiijiyay weeradaasi oo ahaa kuwa aad u xooggan, iyagoo intaa raaciyay in dhawaan ay ka warbixin doonaan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.