January 2023
Madaxweynaha Mareykanka xaalad deg deg ah kusoo rogay gobolka Carlifonia.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhaawaqay in xaalad deg deg ah la geliyay gobolka California. Wuxuu amar ku bixiyay in gargaar la gaarsiiyo gobolka iyadoo duufaan xooggan ay ku dhufatay halkaas. Ku dhawaad shan iyo labaatan milyan oo qof oo ku nool gobolkan ayaa waxaa saameeyay daadad iyadoo duufaanta ay ku wajahan tahay dhinaca […]
Maxkamad Ciidan oo dil ku xukuntay askari nin rayida u dilay shan kun oo shilin Soomaali ah.
Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari lagu magacaabo Qaasim Ducaale Cabdi oo ka tirsanaa ciidanka ilaallada deegaanka Xamar oo talaadadii la soo dhaafay nin rayida ku dilay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho. Maxkamadda ayaa ku heshay Qaasim inuu si bareer ah u dilay muwaadin la oran jiray Abuubakar Maxamed […]
Dowladda Soomaaliya ‘oo heshay xog ku saabsan Al-Shabaab’ iyo magacyada dadka u qaabilsan dhaqaalaha.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in uu faah faahin ka bixin doono tobaneeyo ka mid ah xisaabaadka Al-Shabaab ee Bangiyada iyo laacagaha teleefoonnada loo adeegsado oo ay dowladdiisu xannibtay. Madaxweyne Xasan oo shalay khudbad ka jeedinayay bannaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho ayaa uga digay shacabka ku nool caasimadda […]
Laascaanood: Kulan Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Dhaqanka G/Sool
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somalilan d Maxamed Kaahin Axmed iyo oo uu hoggaaminayo ayaa shalay kulan ballaadhan la qaatay Madaxda Dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo guud ahaan haldoorka Gobolka Sool. Kulankan oo uu shirguddoominayay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, kana a qabsoomay Xafiiska Gobolka Sool, waxaa waxa ka qayb-qaatay wasiirro ka tirsan golaha […]
Maxkamad Amartay In Lasii Daayo Wiil Soomaali Ah Oo Hore Loogu Xukumay 142 Sanno Oo Xabsi Ah
Maxkamad racfaan oo ku taalla dalka Greece ayaa amartay in lasii daayo muhaajir Soomaali ah oo xabsi daa’in loogu xukumay inuu dad soo tahriibiyey. Kiiskan ayaa dareenka caalamka kusoo jeediyey sharciyada ciqaabta adag ee ilaalinta xuduudaha ee dalkan ka tirsan Midowga Yurub. Mohamed Hanad Abdi, ayaa sanadii 2021 lagu xukumay 142 sano oo xabsi ah […]
Odayaal Reer Laascaanood Ah Oo Sheegay In Xukuumada Somaliland Ay Ka Been Abuuratay
Odayaal reer Laascaanood ah ayaa xukuumada Somaliland kala hadlay kiiska nin shacab ah, oo dhawaan ciidamada millaterigu ku toogteen magaalada Laascaanood. Waxa ay sheegeen in wasiirada ay odayaashu la kulmeen ay ugu tageen si ay ugala hadlaan, arrinta mid kamid ah shacabka magaalada oo maalmo ka hor ay ciidamadu toogteen xili habeenimo ah
Ciidamada ammaanka Puntland oo sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Daacish.
Warar lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Puntland ay dileen madixii howlgallada kooxda Daacish ee deegaannada gobolka bari, oo lagu magacaabi jiray Abuu-Albara Al Amani. Ninkaan ayaa sida ay sheegeen booliska Puntland waxaa lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo Al-shabaab maalintii shalay. Marka laga […]
Ciidamada Amxaarada oo ka baxay gobolka Tigray.
Dowladda Itoobiya ayaa xalay shaacisay, in ciidamada Amxaarada ee ka barbar dagaallamayay millatariga Itoobiya, ay ka baxeen gobolka Tigray. Ciidankan oo ka socday gobolka Amxaarada ayaa ka qeybgalay dagaalka sokeeye ee muddada labada sano ka socday gobolka Tigray, kaas oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda oo garabsanaya Erirea iyo maleeshiyaadka Amxaarada oo dhinac ah iyo xoogaga […]