21 Sep, 2025
1 min read

Waa sidee xaaladda degmada Galcad kadib weerarkii Al-shabaab ee shalay?

MUQDISHO — Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Jimcihii shalay ugu yaraan toddoba askari ku dishay xero ciidan oo ku taalla degmada Galcad oo ay dawladda Soomaaliya dib u qabsatay, sida ay sheegta wasaaradda warfaafinta, iyada oo xaaladda Galcad ay saaka degan tahay. Weerarkaas waxaa ku dhintay Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab ee Mareykanka uu tababaray Gaashaanle Xasan Cismaan […]

1 min read

Midawga Yurub oo ‘liiska argagixisada’ ku daraya ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran.

Saraakiisha Midawga Yurub ayaa Jimcihii sheegay inay filayaan in Midawga Yurub uu cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogo ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran, ka dib markii maalin ka hor uu baarlamaanka Midawga Yurub uu ku baaqay in ururkaas lagu daro liiska argagixisada. Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in ciidanka ilaalada […]

1 min read

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar

Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiska is af-garad-ka ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee ay horay u kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar. Heshiiska ay goluhu qalinka ku duugeen ayaa la filayaa in uu qeyb weyn ka qaato dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Shirka Golaha Wasiirrada oo uu hoggaaminayay […]

1 min read

Ciidamada Soomaaliya oo shaaciyay tirada loogga dilay Al-Shabaab hawlgalo dhacay Arbacadii

Wararka ka imanaya deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay 49 dagaal yahan, oo katirsan Alshabaab. Sida ay sheegtay wrabaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa lagu beeg sadey weerarkan ciidamo, oo isku urur sanayey dhul beereed ku yaalla deegaanka Sheekh Qaasim. Sidoo kale, hawlgalkan ayaa waxaa lagu soo […]

1 min read

Malaayiin qof oo biyo la’aan ku wajahaya qeybo ka mid ah Itoobiya.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay in inkabadan siddeed milyan oo qof oo ku nool qeybo ka mid ah woqooyi-galbeed gobolka Amxaarada ay haatan wajahayaan biyo la’aan baahsan, halkaasi oo ay saameysay coladda muddada ka jirtay gobolka deriska ah ee Tigreeda. Mas’uuliyiinta gobolkaasi ayaa sheegaya in colaaddii u dhaxeysay fallaaga gooni-u-goosadka ahi ee TPLF iyo dowladda […]

1 min read

Mucaaradka Somaliland oo Hargeysa Kula Kulmay Ergayga Finland ee Geeska Afrika

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland Waddani iyo UCID ayaa kulan Hargeysa xalay Suldaan Siciid Axmed Ergayga Finland ee Geeska Afrika iyagoo sida la sheegay ka wadahadlay. “arrimaha geedi socodka dimuqraadiyadda, doorashooyinka, xuquuqal insaanka iyo arrimaha nabadgelyada ee Laascaanood.” Khilaafka Doorashooyinka ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland ayaa weli taagan.

1 min read

Maxay ka wada haleen Madxweyne Xasan Sheekh maamulka K/Galbeed iyo Mucaaradka maamulkaas.

BAYDHABA — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Baydhaba kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ee mucaaradka ah. Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore […]