1 min read

Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo soo bandhigay ciidamo diyaar u ah la dagaalanka Al-Shabaab

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Gudoomiye Ku the xigeenka Siyaasada Gobolka Maxamed Sheek Xaandow, Gudoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar Baareey, Duqa Magaalada Jowhar Maxamuud Xasan Bariise iyo kornel Maxamuud Maxamed Nuur Masdile ayaa  gaaray Degaanka Gaaleef ee Shabellaha Dhexe,  iyaga oo kulan kula qaatay Ciidamada dib u xureynta degaanka.

Mas’uulyiinta ayaa Dadka degaanka ku dhiiragaliyey in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka soconaya degaannada iyo degmooyinka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay dadka degaanka Gaaleef ayaa sheegay in Maamulka uu Garab taagan yahay Ciidamada Degaanka ee u taagan iney la dagaalamaan ururka Al-Shabaab.