1 min read

Madaxa ururka Kubadda Cagta Adduunka oo eedeeyey dalalka Reer Galbeedka.

Madaxa ururka kubadda cagta adduunka ee Fifa, Gianni Infantino, ayaa ku eedeeyay reer galbeedka “laba wajiileyn” warbixintii ay ka qoreen xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Qatar.

Shir-jaraa’id oo ku qabtay magaalada Dooxa, Infantino, ayaa waxa uu hadlayey ku dhawaad ​​saacad, waxaana uu si xamaasad leh u difaacay dalka Qatar, iyo tartanka caalamiga ah ee Kubadda Cagta.

Tartanka adduunka ee ku bdada Cagta, ayaa waxaa hareeyey arrimo ka jira dalka Qatar, oo ay ka mid yihiin dhimashada shaqaalaha muhaajiriinta ah, iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Infantino oo u dhashay dalka Switzerland, ayaa sheegay in dalalka Yurub ay raali gelin ka bixiyaan falal ay ku kaceen, marka ay diiradda saarayaan arrimaha shaqaalaha muhaajiriinta ah ee ka shaqeeya dalka Qatar.

Dalka Qatar oo marti galinaya Koobka Kubadda Cagta ee adduunka, ayaa tartanka waxaa lagu bilaabi doonaa ciyaar ka dhacaysa maalinta bari ah garoonka Al Bayt Stadium.

Bishii Febraayo 2021, the Guardian ayaa sheegtay in 6,500 oo muhaajiriin ah oo u kala dhashay India, Pakistan, Nepal, Bangladesh iyo Sri Lanka ay ku dhinteen Qatar, tan iyo markii ay ku guuleysatay qabashada tartanka Koobka Adduunka.