1 min read
Sheekh Aaden Madoobe oo ku baaqay in Koonfur Galbeed loo qabto shir dib u heshiisiin ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bayaan uu maanta soo saaray waxa uu ku baaqay in shir dib u heshiisiin ah ay isugu yimaadaan dadka deggan deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xafiiskiisa Villa Hargeysa kula hadlay weriyayaasha ayaa sheegay in shirkaasi lagu xallin doono tabashooyinka ka dhex jira bulshada ku nool deegaannada maamulkaasi.
Sheekh Aaden Madoobe ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay in iyadoo la wadajiro laga wada shaqeeyo dib u xorreynta deegaannada maamulkaasi, si loo gaaro midnimo dhammaystiran.
Halkan hoose ka akhriso bayaanka Sheekh Aaden Madoobe: