3 mins read

Subxaanalaah= Maqaal xiiso leh=

.Muuqaalad iyo Hab nololeedka Noole badan Allaah waa naga qariyay. Qaarkood jirkooda ayaa aad loo yareeyay, sida kaneecada oo iyada oo yar ay dhib nagu heeyso haddii ey weeynaa leheyd Sunteeduna intaa ka badan leheyd maxaa nagu dhici lahaa.

1. Quraanshadu waa xayawaan aad u yar, si toos ahana uma aragni Muqaalka wajigeeda, haddii ey weynaa leheyd oo Ri ey la ekaan leheed. Aad ayaan uga cabsan leheyn ( F.S:1aad)

2. Ayaxa ama Haraanti geeluhu waa xayawaan aad u yar, Haddii uu weeynaa lahaa oo uu la ekaan lahaa Gor gorka, waxaan ka baqi leheyn Xabaddkeeda oo u eg muuqaal Libaax lagu sawiray. ( F.S: 2aad)

3. Shinidu haddii ey la ekaan leheyd Goranyada, Dabcan waxaan ka sugi leheyn Malab badan in aan ka helno. Laakin Muuqaalka indhaheeda iyo wajigeeda ayaan ka baqi leheyn.( F.S: 3aad)

4. Noolaha kale ee loo yaqaan Abooto tuu tuu ama Geeri gacan dheer in kasta oo ey leedahay magacyo badan. Waa Xayawaan kan Labka ahi uu u galmoodo kan dhidig hal mar oo kaliya Noloshiisa. Tan dhidig waxa ey soo daadisaa dhacaan soo jiidanayo Labka, marka uu u yimaad oo uu u galmoodo oo ey dhameeystaan, waxa ey cunid uga bilaawdaa Madxa ilaa ey wada cunto jirkiisa oo dhan si ey uga hesho nafaqada ey u baahan tahay. Mar marna dhacaan ayey daadisaa si ey u soo jiidato kan Lab, Laakin soo jiidashadaasi ma ahan in uu u galmoodo, ee waa in ey cunto oo kaliya si ey nafaqo uga hesho oo kaliya kadibna ey raadsato Lab kale oo ey ka heshay. Haddii Noolahaani uu Geel la ekaan lahaa, ee uu Nafaqo ka raadsan lahaa Beni aadanka, waxaan ku jiri leheyn Cabsi iyo Carar joogto ah. Alaah ayaa ka dhigay Xasharaad aad u yar.( F.S: 4aad)

5. Noolaha ilu ma aragtada ah ee loo yaqaan “Eyelash” waxaa uu ku noolyahay Baararka hoose ee Indhahaaga, Aad ayuu u yaryar yahay waa lagu arki karaa “Microscope” aragiisu, aad u heer sareeyo
. Waxa uu soo baxaa Habeenkii marka aad seexato, waxa uu Adiga Wajigaaga ka cunaa maqaarka dhintay oo uu ka nadiifiyo. Lama sheegin wax dhibaato ah oo uu Dadka u geeysto, haddise uu aad u bato oo uu is dul fuulo Cun cun ayaad dareemee, waxaa lagu baabi karaa haddii Maalintii 2 mar aad ku dhaqdo Saabuun Baararka indhahaaga. ( F.S: 5 & 6aad)

Tira yar marna ha u maleeyn Jirkaaga waxaa ku nool qiyaastii 100 Trillion Bakteria Cadadkeedu dhan yahay oo ah kuwa faa’iidada kuu leh. Adigaaba ah Aduun dhan oo lagu sii dhax noolyahay.

Haddii uu weeynaa lahaa “Eyelash” oo uu noqon lahaa waxa ishu qabato, Cabsi darteed ma seexan leheyn.

Allaah ayaa mahad leh oo aan na tusin Noola badan oo nagu dhax nool, iyo kuwo kale sida Jini iyo Sheeydaan.

FG: wixii ka khaldan ka sax wixii ka dhimana ku dar.

 

Qore: Yahya Amir