1 min read

Mucaaradka Somaliland oo sheegay inaysan maanta laga bilaabo u aqoonsanayn Muuse Biixi mid shacriyad ku fadhiya.

Labada xisbi ee mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay inaysan maanta laga bilaabo u aqoonsanayn madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddisia inay sharciyad ku fadhiyaan.

Hadalkan ayey xisbiyadu sheegeen maanta oo ay ku egtahay mudda xileedka asalka ahaa ee madaxweynaha iyo xukuumaddiisa. Hase yeeshee bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay horraanteedii ayey ahayd markii Golaha Guurtida Somaliand ay sheegeen inay muddadii madaxwyenaha ku kordheen mudod laba sano ah.

Sidoo kale guddiga doorashada Somaliland ayaa iyaguna horey u sheegay inay u baahan yihiin waqti ilaa 9 bilood ah oo ka bilaabnaysay bilowga Oktoobar.

War saxaafadeed kasoo baxay labada xisbi ee Waddani iyo UCID oo uu akhriyey musharraxa xilka madaxwyenennimo ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cabdiraxmaan Cirro” ayuu ku sheegay inau xisbiyada mucaardkau ay diyaar u yihiin wixii wadahadal ah ee ku saabsan doorashooyin in la qabto.

Waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradku ay aqoonsayihiin golayaasha sharciga ku fadhiya sida baarlamaanka, maxkamadda, dawladaha hoose iyo maamulka adeegga dadweynaha.

Waxa uu sheegay inay ugu baaqayaan dadwyenaha nabad iyo isku duubni iyo inay ilaashadaan nabadgelyadooda. Waxay mucaaradku ugu baaqeen ciidamada qalabka sida inay u hogaagnsamaan dastuurka oo keliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Goobta laga akhrinayey war saxaafadeedka waxaa sidoo kale ku sugnaa guddoomiyaha xibsiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Madaxeynaha Somaliland iyo mas’uuliyiinta Somaliland ayaan weli ka jawaabin hadalka xisbiyada mucaaradka.