1 min read

Gabadha Soomaalida ah ee ku guuleysatay abaalmarinta tartanka Qur’aanka Kariimka.

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta.

Tartankaas ayaa waxaa ka qayb galey arday ka kala socota caalamka, oo ay ku jiraan kuwo u dhashey Soomaali.

Muniira Cabdulfataax Cabdi, ayaa kamid noqotay ardeyda Soomaalida ah, ee kaalin wanaagsan ka galay tartanka.

Waalidka Muniira, oo layiraahdo, Deeqo Mukhtaar, ayaa ka hadashay guusha gabadheeda, iyo waqtigii ay kusoo bixisay.

Deeqo, ayaa sheegtay iney si weyn ugu faraxsan tahay guusha ay gaartey gabadheeda, iyadoo gaar ahaan xustay sida ay gabadheeda uga soo dhalaashay xifdinta Qur’aanka.

Waxey xustay Deeqo iney ka caawin jirtey gabadheeda dhanka duruusta, iyo xiliyida ay xaadireyso iskuulka.