1 min read

Yaasiinka Boob Yasir aan Helnee!!!.

Suufiyoow Salaad Salawaatulaah Asalaam Caleeyk Sadaqaan wadaa Sadaqaan Wadaa iyo Saad Quraan Saafaadkiyaan Soddon jeer Akhraa Sabaxaan Cuskaa iyo Sabadaad Ogeeyd Sudunaan Go’daa Siidkii Alloow Siidkii Alloow Silicaan Marnee Silicaan Marnee Waan Saxriirniyee Waan Saxriirnayee Nasalaama Yeel Siidkii Alloow Saadirkeena Tuug Saadirkeena Tuug Aan Siraad kornee.. Aamiin

Shiikh Ibraahimoow Sheeybkii Alloow Shaakirkaan Jecleeyn Shaahidkeen Kayaab Shaahidkeen kayaab noo soo shafeec Shido aan galnee Shaahidkeena tuug Shaahidkeena tuug Hana Shaafiyee Hana Shaafiyee Shigshigoowgi Sheeg

Shigshigoowgi Sheeg Wiilkii Shuceeyb Shiikh Muuse Sheeg Shucuraan dhigtee Shucuraan dhigtee Waana Soo Shirbee Waana Soo Shirbee Ushi Meel ku sheeg Ushi meel ku sheeg Shirkigii Fircoon Shirkigii Fircoon Kuwa Soo Shubtee Sixirkina Shinsaa Sheeydaamadaan Sheeydaamadaan Shaqfur aan Dhehee Shaqfur aan dhehee Ushi Meel ku sheeg Muuse Qoowlulaah Miinsaadkiyaan Miinsaadkiyaan Magantiis Galnee Magantiis galnee Mowlaheen Kayaab Mowlaheen kayaab noo soo miciin

Ciise Ruuxulaah Cunugii Maryama Cuduraa jiroo laga ceeymaheeyn iyo Caruur baahanoo Cunto aan heleeyn Caziizkeen kayaab Caadilkeena tuug Caadilkeena Tuug hana Caawiyee

Nuux Daahiroow Nebigii Alloow Doontaadiyaan kini naadinee kini naadinee aanse noognayee aanse noognayee Nacabaa na helay Nacabaa na helay Cadow aan naxeeyn Cadowaan Naxeeyn oon naxariis laheeyn ee Neef-tuurnayee Nuuxoow Abkoow Nuuxoow Abkoow Naasirkeena tuug Naasirkeena Tuug Nafis aan helnee.. Aamiin

Yaxyahaan Jeclaaay Yoomkaan Yaraay Yusrantana ibaray Yaa Mucalimoow Yaa Mucallimoow Yaabaa Jiree Yaabaa Jiree Yaasiinka Boob Yaasiinka Boob Yasir aan helnee… Yaa Rabi Yaa Kariim.

WQ: Macalin Abuukar Macalin Xuseen