1 min read

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliye Odawaa oo gaaray deegaano laga saaray Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray deegaanno hoos yimaada degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiintan ayaa kormeeray Ciidan isugu jira Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisley oo ka qeyb qaatay dagaalka Al-shabaab looga saaray deegaannada hoos yimaada degmada Baxdo.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa deegaanadaas ugu tegay wasiir ku xigeenka warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye, Taliye Xasan Jaamici iyo masuuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta ayaa Ciidanka Xoogga iyo iyo kuwa deegaanka  kula hadlay degaanka Dhisaq-dhurufle ee gobolka Galgaduud, iyaga oo faray in ay howlgalka sii wadaan.