1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiyaha G/ Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Sida lagu daabacay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynaha, ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Yuusuf Xuseen.

Door wanaagsan ayuu kasoo qaatey dibu dhiska magaalada Muqdisho, iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha i uu mudnaanta koowaad siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda.