1 min read

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta mar kale su’aalo weydiinaya wasiirka maaliyada.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta markale kulan ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta seddexaad ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka.

Xildhibaanada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa su’aalo adag markale maanta weydiin doono Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo labadii maalin ee la soo dhaafay hortagay Xildhibaanada.

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayey Xildhibaanada Baarlamaanka su’aalo adag ka weydiiyeen Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee shanti sanno ee lasoo dhaafay, wuxuuna Wasiirka su’aalaha la weydiiyay ay doodo ka dhex dheliyeen Golaha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa lagu eedeeyay in Wasiiraddiisa aysan xisaab xir sameeynin dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in kastoo Wasiirka ku dooday in xisaab xir la sameeyay.

Dooda Marka ay dhammaato ayaa la filayaa in xildhibaanada labada aqal ee BFS ay go’aan ka gaaraan meel marinta miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.