1 min read

Isbitaalada Soomaaliya oo la ciirciiraya carruur fara badan oo ay nafaqo daro hayso.

Isbitaalada Soomaaliya waxay la ciirciirayaan carruur fara badan oo ay hayso nafaqo daro ba’an, taasoo muujinaysa sida Soomaaliya ay qarka ugu saaran tahay in abaarta ka jirta ay isu badasho macluul dili karta boqollaal kun oo qof sida laga soo xigtay hay’adaha gargaarka.

Meelaha qaar sariiraha isbitaaladu way buux dhaafeen, waxaana bannaanada looga sameeyay teendhooyin lagu daweeyo caruurta la il daran xanuunnada ka dhasha nafaqo darida.