1 min read

Deg Deg: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladiisa Caafimaad.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dib ugu laabanaya xafiiskiisa scaado ka dib markii laga waayay xannuunka Covid19 oo dhowr malamood ka hor laga helay.

“Muddo 5 maalmood ah oo aan u hoggaansanaa habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaan shalay iyo maantaba maray baaritaankii ugu danbeeyey, kaas oo natiijadiisu ay noqotay in la iga waayey COVID-19, sidaas awgeedna, waxaan dib ugu howlgalayaa xafiiska, si aan u sii dardar geliyo shaqadii qaran ee aad ii wakiilateyn,” ayuu ku yiri Xasan Sheekh qoraal la soo dhigay barta Villa Somalia ay ku leedahay Facebook-ga.

Madxaweynaha ayaa maanta la kulmay R’iisalwasaare Xamse Cabdi Bare iyagoo si wadajir “u kormeeray Madaxtooyada qaranka, gaar ahaan qeybaha jimicsiga iyo beeraha.”

Raysal wasaaraha ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo dhiso golihiisa wasiirada.