1 min read

Turkiga oo xabsiga dhigay nin loo haysto basaasnimo.

Dowladda Turkiga ayaa xabsiga dhigtay muwaadin Giriig ah oo ay ku eedaysay basaasnimo. Mohamed Amar Ampara ayaa lagu qabtay meel u dhow xadka Turkiga iyo Suuriya Sabtidii; Ankara ayaa sheegtay in uu uruuriyay xogta ku saabsan ammaanka xuduudka Turkiga, loona wareejiyay sirdoonka Giriiga.

Giriiga ayaa sheegay in Mr Ampara la waayay todobaadyo ka hor, sidoo kale Turkiga ayaan wax jawaab ah ka bixin su’aalaha ay arrintan ka keeneen.

Xidhiidhka u dhexeeya labadan dal ee ka wada tirsan xulafada NATO ayaa aad u xumaaday bilihii la soo dhaafay.