1 min read

Ganacsatada qaadka ee Somaliland oo ku dhawaaqay inay joojinayaan qaadkii Itoobiya.

Ganacsatada Jaadka ka keeni jiray itoobiya ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen jaadkii ay keeni jireen degaannada Somaliland, iyaga oo soo bandhigay sababaha ka dambeeya.

Qaar kamid ah Ganacsatada oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sababta ay tahay in dawladda Itoobiya ay kusoo rogtay caqabado badan oo ay kamid tahay; Cashuurta oo lagu qaaliyeeyay iyo ganacsatada Oromada oo doonaya in ay iyagu qaadka keenaan Somaliland.

Sidoo kale Ganacsatada waxaa ay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya ay qaadka ka keensan doonnaan dalalka Kenya iyo Yemen oo kamid ah meelaha ugu badan ee lagu beero Jaadka.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen Ganacsatada Jaadka Somaliland in Dowladda Yemen uu kala dhaxeeyo xiriir Ganacsi halka dowladda kenya ay ka iibsato Kalluunka, taas bedelkeedana jaadka ay ka keeni doonaan labadaasi dowladood.