1 min read

Ciidamada Booliska Toronto oo lagu eedeeyey inay si gaara u beegsadeen dadka madow.

TORONTO, Canada – Warbixin ay dhowaan soo saareen booliska magaalada Toronto ee dalka Canada oo lagu ururiyey dhacdooyinkii ay ka hawlgaleen ciidamada boolisku shantii sano ee ugu dambaysay, ayaa muujisay sida ciidamada boolisku ay awood xad-dhaaf ah ugu isticmaaleen dadka madow, marka loo barbardhigo dadka caddaanka ah ee ku nool magaalada Toronto.

Waxaa haatan socda dedaallo wax la isaga weydiinayo in lagula xisaabtamo saraakiisha ku lug yeeshay dhibaataynta lagu eedeeyey in booliska Toronto ay u geysteen dadka madow, inkasta oo saraakiisha boolisku ay sheegeen markii shaacinayeen xogtan inaan lagu ciqaabi doonin isla xogtii ay soo gudbiyeen.