8 mins read

Waa kuwee Ciyaartoyda ugu caansan Yurub ee bilaashka lagu heli karo?

Qaar ka tirsan ciyaartoyda ugu magaca dheer Qaaradda Yurub ayaa xagaagan lagu heli karaa si lacag la’aan ah, maaddaama qandaraasyada ay kula joogeen kooxahooda ay dhacayaan.

Paul Pogba maku laaban doonaa Juventus? Muxuu samayn doonaa Gareth Bale? Xagguuse aadi doonaa Christian Eriksen?

BBC Sport ayaa si hoose u eegaysa qaar ka tirsan ciyaartoyda caanka ah ee raadinaya kooxaha ay u ciyaari lahaayeen xilli-ciyaareedka sanadka soo socda.

Gareth Bale:

Kooxdiisa xilligan: Real Madrid

Waxaa lala xiriirinayaa: DC United, Cardiff City, Newcastle United, Nottingham Forest, AC Milan, Tottenham Hotspur

Go’aanka uu Gareth Bale uga tagayo kooxda Real Madrid ayaa yimid kaddib sagaal sano oo uu koobab badan ku qaaday caasimadda Spain, halkaasoo uu ugu dabaaldagay shan koob oo Champions League ah iyo saddex koob oo horyaalka ah.

Weeraryahanka xulka qaranka Wales, oo hadda 32 jir ah, ayaa Real Madrid oo sanadkan 7 qaadatay ku biiray bishii September ee sanadkii 2013-kii, isagoo markaas lagu iibiyay lacagtii ugu badnayd ee abid ciyaartoy lagu helo oo ahayd £80m.

Waxa uu hadda horayba u sii sheegay in qoyskiisa iyo caafimaadkiisa uu uga qaybgali karo tartanka Koobka Adduunka uu xoogga saari doono marka uu go’aansanayo kooxda uu u ciyaari doono sanadka dambe.

Paul Pogba:

Kooxdiisa xilligan: Manchester United

Waxaa lala xiriirinayaa: Juventus, Real Madrid, Paris St-Germain, Manchester City.

Paul Pogba waxa uu xagaagan ka tagay Manchester United kaddib markii uu la joogay lix sano oo uusan ku farxin kaddib markii uu mar labaad kusoo biiray kooxda.

Ciyaartoygan khadka dhexe ka ciyaara waxa uu ku guulaystay koobka EFL-ka iyo koobka Europa League-ga isla sanadkii soo noqoshadiisa oo aad loo xiiseynayay, markaas oo lagu soo iibiyay lacagtii ugu badnayd abid oo ahayd £89m. Waxay ahayd 2016-kii oo uu kasoo wareegay kooxda Juventus.

Halka uu 29 jirkan xulkiisa qaranka ka caawiyay inay ku guulaystaan Koobkii Adduunka ee 2018-kii, waxa kaliya ee uu Manchester United u qabtay waa inuu ciyaarta dhexdeeda kusoo bandhigo laadadka uu ciyaartoyda u qaybiyo iyo orodkiisa dhanka weerarka ee awoodda badan.

Ciyaartiisa waxay u muqatay mid u badan dhanka difaaca khadka dhexe waxa uuna taageerayaasha kooxdiisa ku niyad-jabiyay inuu samayn waayay dadaal badan.

Muuqaal dukumintari ah oo uu Pogba uga sheekeeyay noloshiisa ayaa lasoo tebiyay in uu ku sheegay in mushaarkiisa isbuuclaha ah ee dhan £300,00 uusan ahayn “waxba” qof walba oo hadda soo saxiixdana looga baahan yahay in uu jeebkiisa buuxo.

Christian Eriksen

Kooxdiisa xilligan: Brentford

Waxaa lala xiriirinayaa: Brentford, Tottenham, Manchester United

Christian Eriksen wuxuu u qalmay inuu qayb ka noqdo qandaraas afar sano iyo bar ah oo uu ku joogo Inter Milan.

Si kastaba ha ahaatee, 30-jirkan ayuu wadnuhu istaagay markii uu bishii June ee la soo dhaafay u ciyaarayay Denmark tartankii Euro ee 2020. Wuxuu beddelay qaabkii xirfaddiisa ciyaareed, iyadoo ku soo laabashadiisa kubbadda cagta ay timid markii lagu rakibay qalabka wadnaha lagu dhejiyo ee Defibrillator (ICD).

Inter ayaa fasaxday Eriksen – sababtoo ah aaladda u xiran ICD lagama ogola Serie A – taas oo ku riixday Brentford heshiis lix bil ah, halkaas oo tayadiisa ay soo ifbaxday markii uu kooxda ka caawiyay hubsashada ka sii mid ahaanshaha kooxaha horyaalka Premier League.

Brentford ayaa doonaysa in ay sii haysato kubbad-qaabeeyihii hore ee Ajax laakiin miyuu sii joogi doonaa London mise wuxuu u ambabixi doonaa meel kale iyada oo ay xiiseynayaan kooxo ay ku jirto Manchester United?

Jesse Lingard

Jesse Lingard

Kooxdiisa xilligan: Manchester United

Waxaa lala xiriirinayaa: West Ham United, Newcastle, Tottenham, Roma, AC Milan

Jesse Lingard ayaa ka tagaya Manchester United oo ah kooxda uu ka soo aflaxay akadeemigeeda oo uu la qaatay labaatan sano oo cimrigiisa ah.

Manchester United ayaa xagaagii hore si la yaab leh u dooratay inay sii haysato ciyaaryahanka khadka dhexe ee u dhashay Ingiriiska. 29-sano jirkaan wuxuu u adkeystay olole adag 2021-22 waxaana la siiyay fursado aan badneyn.

Amaah guul leh oo uu ugu wareegay West Ham horraantii 2021 ayaa u noqotay fursad uu dadka dhaliila ku xusuusiyo tayadiisa. Taas ayaa laga yaabaa inuu ka dhalisay ka fikirka helitaanka koox cusub oo uu dammaanad qaadda ciyaaro joogto ah si uu sanadkan fursad ugu helo ka qeybgalka Koobka Adduunka.

Ousmane Dembele

Ousmane Dembele

Kooxdiisa xilligan: Barcelona

Waxaa lala xiriirinayaa: Chelsea, PSG

Arrimuhu uguma socon sida fiican ee uu jeclaan lahaa Ousmane Dembele tan iyo markii uu Barcelona ugu soo biiray mid ka mid ah heshiisyadii ugu qaalisanaa abid ee uu kaga yimaado Borussia Dortmund 2017.

Dhaawacyo 25 ah ayaa caqabad ku noqday horumarka weeraryahanka France, taas oo la micno ah inuu kaliya wax aad u kooban ka soo bandhigay hibadiisa sare ee dhanka xirfadda ah. Marka uu soo bandhigo orodkiisa xawaaraha leh iyo kartida uu u leeyahay in uu ku dhex ordo difaacyada ka soo horjeeda ayaa keenta inay sare joogsadaan taageerayaasha Nou Camp.

Iyadoo marar badan lala xiriirinayay inuu baxo, madaxa kooxda Joan Laporta iyo tababare Xaxi ayaa labaduba rajo ka qaba in lagu qanciyo inuu sii joogo.

Edinson Cavani

Edinson Cavani

Kooxdiisa xilligan: Manchester United

Waxaa lala xiriirinayaa: Real Madrid, Arsenal, Atletico Madrid iyo Juventus.

Edinson Cavani ayaa muddo labo sano ah oo dareenno isku dhafan leh ku sugnaa Manchester United.

Ciyaaryahankan 35 jirka ah ee u dhashay dalka Uruguay ayaa si bilaash ah ugu biiray Manchester United bishii October 2020, xilligaas oo uu ka soo tagay PSG. Ciyaaraha waxay ugu billowdeen si qurux badan isaga oo dhaliyay 17 gool tartamada oo dhan xilli-ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Imaanshihii Cristiano Ronaldo iyo dhaawacyada u muuqday kuwo aan dhamaanayn oo soo wajahay ayaa sabab u noqday in xilli-ciyaareedkii hore uu si wanaagsan u muuqan waayo. Shakhsiyadiisa iyo waayo-aragnimadiisa ayaa weli u sahli kara in qiimo sare uu sii lahaado mustaqbalka.

Fernandinho

Fernandinho (with the trophy)

Kooxdiisa xilligan: Manchester City

Waxaa lala xiriirinayaa: Botafogo, Flamengo, Corinthians, Athletico Paranaense

Fernandinho oo 37 jir ah ayaa saftay 19 kulan oo Premier League ah isaga oo Manchester City ka caawiyay in ay ku guulaysato koobkeedii afraad ee shan xilli-ciyaareed gudahood.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa horay u muujiyay rabitaankiisa inuu dib ugu laabto dalkiisa marka uu ka tago Manchester City, halkaasoo uu kula guuleystay shan koob oo heer sare ah, lix EFL Cup iyo FA Cup.

Luis Suarez

Luis Suarez

Kooxdiisa xilligan: Atletico Madrid

Waxaa lala xiriirinayaa: Juventus, Aston Villa, Sevilla, Inter Miami

Luis Suarez oo 35 jir ah ayaa ah rugcaddaa in lagu xuso mudan oo ku jira liiska ciyaartoyda bilaashka lagula soo saxiixan karo, iyadoo ka tagistiisa garoonka Wanda Metropolitano ay imaaneyso xilli ciyaareedkii uu dhaliyay 13 gool tartamada oo dhan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa laga yaabaa in uusan u firfircooneyn sidii uu ahaa sanadihiisii yaraa, laakiin dareenkiisa iyo dhanka dhaqdhaqaaqiisa goolka ayaa kooxo dhowr ah ku tijaabin kara inay dalab waqti gaaban ah ka gudbiyaan.

Isco

Isco

Kooxda hadda: Real Madrid

Waxaa lala xiriirinayaa: Sevilla, Arsenal, Tottenham

Isco waxa uu xagaagan boorsooyinkiisa ka soo xirxirtay Bernabeu isagoo shan jeer ku guuleystay Champions League iyo saddex jeer oo La Liga ah.

Kubadsameeyahaan 30-sano jirka ah ayaa weli ku guda jira xilliyada ugu fiican ee xirfadiisa ciyaareed, waxaana uu isku dayi doonaa inuu dib u helo fursad uu isku soo bandhigo, kaddib markii uu boos ka waayay Madrid iyo xulkiisa qaranka Spain.

Angel di Maria

Kooxda hadda: PSG

Waxaa lala xiriirinayaa: Juventus, Barcelona

Weeraryahanka Argentina Angel di Maria ayaa ciyaaray mid ka mid ah kulamadiisii ugu fiicnaa, isagoo wax ka dhaliyay goolashii ay PSG dhalisay ciyaartii 5-0 ay uga badisay Metz. Wuxuu ahaa kulankiisii ugu dambeeyay.

Ciyaaryahanka oo 34-sano jir ah ayaa dhaliyay 93 gool 295 kulan oo uu u saftay kooxda PSG, isagoo kula guuleystay shan horyaal iyo sagaal koob oo maxalli ah intii uu joogay caasimadda Faransiiska.

Juventus iyo Barcelona ayaa loo maleynayaa inay ku dagaallamayaan saxiixa xiddigan garabka ka ciyaara.

Xigasho:BBCSomali