1 min read

Dowladda Soomaaliya oo soo daabacaysa lacag Shilin Somali ah.

Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa isaga oo hadal ka jeedinayay Shirka Dhaqaalaha Qaranka wuxuu sheegay in qorshayaasha dhaqaale ee dawladda Soomaaliya ay ka mid tahay in daabacayaan lacagta shilin Soomaaliga.

“Waxaa qorshaha ka mid ah in la sameeyo lacag shilin Soomali ah, oo aan rajeynayo runtii in ay noqoto mustaqbalka mid dalkaan iyo dadkaan dhaqaalihiisa waxka badasha, waana miisaanka lagu cabiro dhaqaalaha qaranka.”

Lacagta shilin Soomaaliga ayaa ah mid ka sii dabar go’eysa wadanka oo dhan iyada oo gabi ahaan ka joogsatay gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.