1 min read

Gabar saxafiyad ah oo lagu waayey dalka Shiinaha.

Gabar saxafiyad ah oo ka howlgalaysay dalka Shiinaha una shaqeyneysay hay’dda warbaahinta ee Bloomberg ayaa lagu sii daayey dammiin ka hor inta aan lagu maxkamadeyn dambiyo la xiriira ammaanka Qaranka ee dalkaa.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Haze Fan aanay caddeyn halka ay ku sugan tahay .

Bloomberg oo ah hay’adda warbaahineed oo ay u shaqeynaysay ayaa sheegtay in ay awoodi waayeen in ay la xiriiraan gabadhaas.

Gabadha oo ah muwaadin Shiinees ah ayaa dammiin lagu soo daayey bishii Jannaayo intaas ka dibna aan il la saarin ama aan la arkin.

Haze Fan ayaa u shaqeyneysay hay’ado kala duwan oo shisheeye oo ay wakil uga aheyd halkaas .

Ururka Weriyeyaasha aan Xuduuda laheyn ayaa dalka Shiinaha ku tilmaamay dalka ugu weyn ee lagu qabsado saxafiyiinta .