1 min read

Gunaanadaha Socodkaaga Magaalada!!!.

kani waa Ninka ugu Awooda Badan Magaalada Mogadishu. Dadku ma jeclo in looga yeero Xafiiskiisa, ma ahan Siyaasi, mana heeysto Ciidamo isaga ilaaliyo ama uu Cid kale ku weeraro. Dhaqaalihiisu waa intii uu maalintaa Quuto, mana leh keyd Maaliyadeed.

Hubka ugu weyn oo uu heysto waa Badiil, Waxa uu Xaruntiisa ku sugaa, Dadka Magaalada ugu Awooda badan, dhaqaalaha badan, si uu u hoos geeyo Lugihiisa.

Xafiisyada uu ku leeyahay Magaalada waxaa ugu weyn Kuwa uu ku leeyahay Qabuuraha, Macallin Nur, Shiikh Cali Cabdulle, Hormuud, Duleedka Wadajir, iyo Laama kale. Wakhtiyada qaar ey jiraan Howl galo badan waxa uu Xafiisyo ku meel gaar ah ka furtaa Xaafadaha dhaxdooda.

Mashquulka Magaalada iyo is riixriixeeda kama Qeyb galo, Jilayaasha ayuu ku sugaa Xafiiskiisa, waa shaqaale Muruqmaal ah oo shaqadiisa u daacad ah. Cidda kaliya ee isga lugaheeda hoos geey karto waa isla shaqaalaha Xifiiskiisa” Xabaala qode, Xabaalkiisaa la qodaa”

Ma jeceshay in lagaaga yeero Xafiiska Ninka ugu awoodda Badan Magaalada? Haddii aadan jecleeyn Saaxiibadaa iyo Qaraabadada ayaa khasab kugu geeyn doono. ( F.S: 1aad)

U diyaar garoow, Xafiiska kale ee uu kuu sii gudbin doono Mudane Xabaala qode. waa iga Talo.

Towfiiqda Alla hana waafajiyo.

Qore: Yahya Amir