1 min read

Gollaha Wadatashiga Qaran oo warbixin ka dhageeystay Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha abaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad  guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Goluhu waxa ay warbixin kaga dhageysteen Ergeyga Gaarka ah ee  Gurmadka Abaaraha Dalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ergeyga Gaarka ah ee  Gurmadka Abaaraha  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la wadaagay Madaxda Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta qaar ka mid ah deegaannada dalka, caqabadaha ku gedaaman gurmadka, Istaraatiijiyadda ku aaddan xalka waara ee ka hortagga abaaraha iyo halka uu marayo qorsheyaasha ay dowladdu kaga jawaabeyso arrimaha abaaraha.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Gaarka ah ee  Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadaallada uu ku bixinayo isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah, waxa ayna isla qaateen in si wadajir ah loo dardargeliyo howlaha gurmadka Abaaraha.