|

RW dalka Masar oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mustafa Madbuuli.

Wafdigan ka socda dalka Masar ayaa ka qeyb galaya caleemosaarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Daqiiqado ka hor ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona haatan ay socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu qabanayo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Posted by on Jun 9 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]