1 min read

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumer Geelle oo maalmaha soo socda lagu wado inuu soo gaari magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo xidhibaano ka tirsan labada gole ee BFS.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaacil Cumer Geelle ayaa ka qayb galaya Caleema Saarka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo 9-ka Bishan Jun ka dhacaysa magaalada Muqdisho.

Wafuud kala duwan oo isugu jira madaxda Geeska afrika ayaa lagu casuumay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.