1 min read
Saciid Deni oo sheegay balanqaad uu ka helay madaxweynaha cusub.
Madaxweynaha Puntland Sacid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu balan-qaad u sameeyay Maamul goboleedyada.
![](https://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2022/06/fc3765e0-c6e5-492c-baf6-6187137a5794.jpg)
Deni oo la hadlay wargeyska the Economist ayaa sheegay in madaxweynaha uu u balanqaaday in uu xukunka la wadaagi doono islamrkaana uu soo dhameystiri doono dastuur cusub oo federaal ah.
Madaxweyne Deni ayaa si faahfaahsan u sharaxin waxa uu kawado xukun la wadaagista uu madaxweynaha u balanqaaday , laakin waxaa la aminsanayahay in ay tahay ka tashiga aayaha masiiriga ah ee dalka Soomaaliya.