1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhweeyay Dhuusamareeb.

DHUUSAMAREEB — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waana safarkiisii labaad ee gudaha dalka uu ku tagay, isagoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku jiro socdaalkiisa Galmudug wuxuu sidoo kale diiradda saari doono arrimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, abaaraha, iyo xasillooni siyaasadeed.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada ee xilka kasii degaya iyo xildhibaanno.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.