June 2, 2022
Somaliland oo Midowga Yurub kala hadashay doorashooyinka ku soo fool leh.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi. Waxaana kulanka loogha wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan […]
Hay’adaha samafalka: “Abaaruhu waxay Geeska Afrika ku laayeen 7 milyan oo xoolo ah..”
NAIROBI – Hay’adaha samafalka ayaa ka digaya tirada dadka ay soo foodsaarayso macaluusha ka jirta gobolka Geeska Afrika inay gaadhayso illaa 20 milyan oo qof, marka la gaadho dhammaadka bisha September ee sannadkan, haddii aan jawaab xooggan laga bixin abaaraha adag. Digniintan ay soo saareen hay’adaha samafalku ayaa timi, iyada oo markii afraad oo isxigta […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhweeyay Dhuusamareeb.
DHUUSAMAREEB — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waana safarkiisii labaad ee gudaha dalka uu ku tagay, isagoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah maamulka Koofur Galbeed. Madaxweynaha ayaa inta uu ku jiro socdaalkiisa Galmudug wuxuu sidoo kale […]
Xulka Argentina Oo Garaacay Xulka Italy Kuna Guulaystay Koobka Finalissima 2022.
Xulka Argentina ayaa Garaacay Xulka Italy Kuna Guulaystay Koobka Finalissima 2022 kulan ka dhacay garoonka Wembley oo ay isaga hor yimaadeen xulalka ku kala guulaystay Copa America iyo European championship. Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Italy si dar-dar leh ku bilowday iyaga oo ka awood badnaa xulka Argentina kuwaas oo aan si fiican ku […]