May 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta si rasmi xilka kala wareegay Farmaajo.
MUQDISHO —Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka maanta, kadib xaflad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa salaan-sharaf ka qaatay ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaasi khudbado kooban ka jeediyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxeynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo […]
Suuriya oo xeel dheerayaal miinooyinka sameeya u diray Ruushka.
Illaa 50 rag xeeldheerayaal ku ah samaynta iyo isticmaalka bambaanooyinka qasaaraha badan gaysta , kuwaas oo u dhashay Suuriya ayaa ku sugan dalka Ruushka, iyaga oo wada shaqayn la sameeyay ciidamada dalkaas oo dagaal kaga jira Ukraine. Arrintan waxaa tabiyay wargeyska Guardian ee kasoo baxa Ingiriiska, isaga oo soo xiganaya saraakiil reer Yurub ah oo […]
Sidee laga yeeli doonaa 2000-kun askari ee Ukraine ee Ruushka isku dhiibtay?.
Waxaa welwel badan laga qabaa waxa ku dhici doonaa illaa 2 kun oo askari oo Ukraine ah oo illaalinayay magaalada Mariupol kuwaas oo isu dhiibay ciidamada Ruushka. Wararka waxa ay sheegayaan in la geeyay magaalada tuulo ku taala gobolka Donesky. Dadka Ruushka taageersan waxa ay doonayaan in si xun loo ciqaabo ciidamadan, balse waxaa jirta […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Villla Somaliya galaya iyo Farmaajo oo ka guuraya.
Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta madaxtooyada Soomaaliya ay ka dhacdo xil wareejin, iyada oo ay ku kala wareegayaan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan cusub Xasan Sheekh Maxamuud. Kadib hal sano iyo shan bilood oo ay daahday doorashadii Soomaaliya, maanta oo isniin ah ayuu ugu dambeyn madaxweyne haysta sharciyadda muddo xileed uu ku […]
Man City Oo Ku Guuleystay Horyaalka Ingiriiska kadib Ciyaar soo laabasho aheyd.
Man City ayaa markii 6-aad 9 sano gudahood waxa ay ku guuleystan horyaalka Ingiriiska ka dib ciyaar soo laabasho leh oo ay ka gaareen ston Villa. Qeybta 1-aad : Man City kubadda iyaga ayaa ku badnaa balse halis gilin muuqata ma jirrin balse dadaal ayay wadeen , waxaana City nasiinada loogu diray gool dhashay daqiiqadii […]
Talaalka HIV-ga oo ay tijaabadiisa ka bilabaatay Afrika.
Shirkadda Mordana ee sameysay talaalka cudurka Covid-19 ayaa hada sameysay talaalka cudurka Aids-ka ka soo ay tijaabadiisa kasocoto wadamo ku yaala qaarada Afrika. Horraantii sanadkan, shirkada Moderna ayaa gudaha Mareykanka ka bilawday tijaabadii ugu horeysay ee tallaalkeeda HIV-ga taasi oo ay u adeegsatay qayb ka mid ah taxanaha HIV RNA, sida borotiinka dib u habeynta. […]
HRW oo ka digtay duqeymaha ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.
Muqdisho-uman Rights Watch ayaa ka digtay in duqeymaha ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya lagu beegsado dadka rayidka ah. “Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa caro iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh,” ayuu yiri agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch. Human Rights […]
Weeraradda Al-shabaab ee Gobolka Sh/dhexe oo kordhay.
Muqdiaho:-Waxaa aad u adag in masuuliyiinta iyo ciidamada dowladda ay maraan wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe, sababo la xiriira Weerarka Dagaalamayasha Al-Shabaab ay gobolka ka geeysanayaan oo kordhay. Maalin ka hor ayay ahayd markii dagaalamyaasha Alshabaab ay weearreen bar koontrool oo ay ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen oo ku […]
Samiira Naasir: Gabadha qabsatay baraha bulshada Soomaalida.
Baraha bulshada Soomaalida waxaa caawa si weyn u qabsaday sawirrada gabadh lagu magacaabo Samiira Naasiir oo loo magacaabay taliyaha booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Samiira Naasir oo ah gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa loo magacaabay taliyaha booliska ee degmada Shibis, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda.
Ruushka oo talaabo adag ka qaaday dalka Finland.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Moscow, Ruushka aya gaaska ka jaray dowladda Fiinland kadib markii ay dalbatay in ay kamid noqoto Gaashaanbuurta NATO. Ruushka ayaa horay Finland uga digey in ay ku biirto NATO. Maria Vladimirovna Zakharova, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa horay u sheegtay in “Finland oo ku biirta […]
