1 min read

Suuriya oo xeel dheerayaal miinooyinka sameeya u diray Ruushka.

Illaa 50 rag xeeldheerayaal ku ah samaynta iyo isticmaalka bambaanooyinka qasaaraha badan gaysta , kuwaas oo u dhashay Suuriya ayaa ku sugan dalka Ruushka, iyaga oo wada shaqayn la sameeyay ciidamada dalkaas oo dagaal kaga jira Ukraine.

Arrintan waxaa tabiyay wargeyska Guardian ee kasoo baxa Ingiriiska, isaga oo soo xiganaya saraakiil reer Yurub ah oo xog ogaal ah.

Xeeldheerayaashan ayaa sameeyay bambaanooyinkii lagu burburiyay inta badan dalka Suuriya xilligii dagaalkii sokeeye uu dalkaasi ka socday. Waxaana lagu wadaa in bambaanooyinkan loo adeegsado dagaalka Ukraine.