1 min read

Hadal-heyn ka dhalatay wax albaab u eg oo lagu arkay hawada sare.

Sawir ay Hay’adda Hawada Sare ee Mareykanka (NASA) ka soo qaadday hawada sare oo muujinayay wax u eg albaab ayaa dhaliyay hadal-heyn badan, iyadoo dadka ay ku tilmaameen inuu caddeynayo jirintaanka nooleyaasha la aaminsan yahay inay deggan yihiin hawada sare (alien).

Albaab-u-ekaha ayaa ka soo dhex muuqday sawirro uu qaaday gaariga xogta ururiya ee NASA, kuwaas oo la faafiyay toddobadkii bishan.

Waxaa albaabkaas lagu arkay dhul dhagax ah xilli la sahminayay nolosha ka suurtagalka ah hawada sare.

NASA ayaa BBC u sheegtay in sawirka la isla dhex qaaday internetka ee qofba uu si’ u macneeyay uu yahay duleel yar oo dhulka ah.

Godka cabbirkiisu waa 45 senti-mitir oo dhirir ah iyo 30 senti-mitir oo ballac ah.

Hoos ka arag sawirka laga soo dhex saaray ‘albaabka’ oo waxyaabo kala duwan muujinaya.

Xigasho:BbcSomali