4 mins read

Ma jirto Qof Hooyadaa kuu badali karto iyo Dal kuu badali kasoo Dalkaaga=Nasashada Jimcaha.Q- 3051=.

Wiil ayaa Gabar uuna aqoon oo aad u qurxan Taxi la soo racay. Waxa uu weydiiyay Magaceeda waana is moogeeysiisay.Telefon ayuu jeebka kala soo baxay, waxa uu bilaabay in uu la hadlo Saaxiibkii isaga oo leh: war Markabkii badeecadu ii saarneyd, hadduu yimaad ha la ii dajiyo, waxaan aadaa Imaaraadka, waxaan kuu soo diraa “Bank cheque” ah 200.000 Dollar, ku bixi Cashuurta.

Waxa uu yiri: Gabdhii si taxadar leh ayey markaan ii fiirineysay, waxaan dareemay in Call- keyga beentaa uu saameeyn ku yeeshay.

Iyada oo dhoola cadeeynee ayeey igu tiri: Hoo, battery-ga Mobilkaaga, markii aad Telefonka Jeebka kala soo bexeeysay ayuu kaa dhacay.

( F.S: 1aad)( kalamaan ayaa tiri: Naaga doon iyo Xildoon Beentaa ka dhexeeyso, naaga doon isagaa is buriyo, Xildhoon isaga Battery-gu ma ka dhacaa isaga oo Shacabka Been u sheegaa)2. Wiil 8 Sano jir ah ayaa Hooyadii la furay, muudo ayuu isga oo murugeeysan Aabihii la joogay. Sando kadib Aabihii ayaa Aroosay Naag kale.

Maalin ayaa Aabihii, waxa uu wacay Wiilkii waxa uuna ku yiri: Hooyadaa iyo Xaaskeeyga cusub Eedadaa, farqi weyn miyaa u dhexeeyo?. Wilkii ayaa yiri: Haa. Aaabihii ayaa yiri: waa maxaay?Wiilkii ayaa yiri: Hooyadeey Been ayeey ii sheegi jirtay. Laakin Eedo Been iima sheegto.Aabihii oo yaaban ayaa yiri: Sideey ku dhacday? Wiilkii ayaa yiri: Marka aan banaanka u baxo si aan Ciyaalka ula soo ciyaaro, Hooyo waxa ey i dhihi jirtay: Haddii aad Ciyaar aado, Maanta Qado ku sii maayo. Laakin hadaan ciyaar aado, waa i soo raadi jirtay, kadibna Cunto ayeey i sii jirtay. Eedo waxa ey igu tiri: Haddii aad ciyaar aado, Qado ku sii maayo, weeyna ka rumeeysay Ballanteedii, Hadda Laba Maalin wax ma cunin, Beentii Hooyadeey ayaan u baahanahy.

( F.S: 2aad)( Dantu waa halkeeda, Laakin ma jirto Qof Hooyadaa kuu badali karto iyo Dal kuu badali karo Dalkaaga, Hadaadan aheeyn Caasi)3. Haddii ey Gabari kugu tiraa: Waxaad tahay Wiilka aan Aduunka ugu jecelahay, uguna kalsoonahay. Hala yaabin Usbuuca dambe haddii laguugu casuumo xafladda Arooskeeda oo aad aragto iyada oo garab taagaan, seeygeeda Cusub.

( Somaliya hala yaabin hadaad aragto masuul Dadka kuu necbaa, oo usbuuca Dambe rabo inuu kaaga soo horeeyo kuwii Dadka kuu jeclaa, ama naftood kuu hurayay)4. . Qofka wanaagsani waa sida Gool hayaha oo kale, Dadku ma tirinayaan inta Gool ee aad qabatay. Mar kasta waxa ey tirinayaan inta Gool ee lagaa dhalayay oo kaliya.( Dadku maxeey Xumaantaada kaliya u raadiyaan oo wanaagaaga ay u qariyaan)5.

Nin Reer Burco ahaa ayaa Xaaskiisa oo Ganacsato aheyd oo Xamar aadeeysay, isga oo la kaftamayo ayuu ku yiri: Babe, Haddii aad Xamar tagto, Hadiyad ahaan iigu keen Gabar Xamaraawiyad ah. Hadalkii kaftanka ahaa wey dhibsatay. Markii ey soo noqotay ayuu ku yiri: Aawday Xamaraawiyadii aan kaa sugayay. Waxa ay ku tiri: Sug, 9 bilood kadib ayeey imaanee.

( Kaftanka qaar, waxa uu keeni karaa in xaaskaagu 9 Bil kadib ay foolato, kadibna ay kuu dhasho hadiyadii ay u dirsatay)6. Hordhac iyo NuxurHordhacRaggu waa saddax: Jimca Dhowr, Jeel dhowr iyo Jiif dhowr.1. Jimca dhowr. ( jimcaha oo kaliya ayuu xaaska gaadaa)2. Jeel dhowr.

( Wakhti dheer kadib ayuu mar mar xaaska gaada).3. jiif dhowr. ( iyada oo Sariirta jiiftaba hadduu arko, Ogaalkaa ka tago, Shaqaduu cabaa).NuxurkaWaxaad sheegtaa, wax haddii ey Banaanka yaaliin Adadag oo qalalan, haddii meel la galiyana laga soo bixiyo iyaga oo jilcan oo qoyan.

( Cilmi nafsiga wax ka baro. Weligaa Araarta ah Hordhaca hadalka iyo Nuxurka looga danleeyahay, yeeyna saameeyn ku yeelan go’aankaaga. Aragtidaada yaan loo isticmaalin in jawaabataada ey u leexiso sidii la rabay in aad u qaadato ama aad u fahamto, Siyaasadana sidaa ayaa la isagu khaldaa fahamkeeda ).Waxa iyaga oo adadag oo qalalan meel la galayo, kadibna la soo baxayo iyaga oo qoyan oo jilcan waa ” Xanjadda Nacnaca ah” ee Afka la galiyo .

Weligaa Adigu hal dhinac Siyaasada haka fiirin oo yaan laguugu khaldin, yaana la hagin go’aankaaga, wan hubaa markii hore Maskaxdaada kuma jirin “Xanjo” ee waxaa ku jiray oo qaab qoraalka hore uu kugu hagay oo aad u qaadatay waa “Cowrada Ragga”, waana khalad Jawaabtaasi.

Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshda Hordhaca iyo Nuxurka laguugu soo gudbiyo yaan laguugu khaldin….) ( F.S: 3 & 4aad).

Qore: Yahya Amir