1 min read

RW Rooble oo Midowga Afrika kala hadlay dardar gelinta Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ku-xigeenka Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS Fiona Lortan iyo taliska Ciidammada ATMIS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda iyo taliska ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo wada shaqeyntoodii, waxa uuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan howlaha nabad ilaalinta ee ay dalka u joogaan.

Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS yaa siweyn uga qeyb qaatay Amniga doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho, iyaga oo kaashanayay Ciidamada Booliska Soomaaliya.