1 min read

Guddiga doorashada madaxwaynanimada oo la kulmay taliyayaasha ciidamada.

Guddiga isku dhafka ah ee Doorashada Madaxwaynaha ayaa maanta shir la qaatay taliyaasha Ciidamada Milateriga iyo Booliska iyagoo kala hadlay xaqiijinta amniga guud ee Doorashada Madaxwaynaha.

Diiwangalinta musharaxinta madaxwaynanimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay bilaabato maalinta barito ah iyada oo socon doonta ilaa 10 bishan.

Waxaa ilaa iyo imika shaaciyay in xilka madaxwaynanimada u tartamayaan musharaxiin kor u dhaafaya 20, balse waxaa tirada rasmiga ah la kala ogaan doonaa marka ay shuruudaha ay buuxiyaan cidda si rasmiga ah ugu tartami doonta.

Doorashada madaxwaynanimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 15 bishan May.