1 min read

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal casri ah

Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ballistic ah oo ah nooca badda hoosteeda lagu rido ay ku riday badda dhacda bariga gacanka Kuuriya.

Haddii warkani la xaqiijiyo waxay qeyb ka noqonaysaa tijaabooyin is xig-xigay oo ay xukuumadda Pyongyang sameysay maalmo uun ka hor dhaarinta madaxwaynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Yun Sook-yeol.

Madaxwaynaha Cusub ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ballaan-qaaday in uu si adag ula dhaqmi doono Kuuriyada Waqooyi.