1 min read

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Ciidamo katirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa qaraxyo Miino & weerar toos ah  lagula beegsaday inta u dhaxeeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolkaasi Gedo.

Ciidamada oo ka yimid dhinaca Itoobiya ayaa ku wajahnaa degmada luuq, waxaana Kolonyo galbineysay laba qarax lagula beegsaday Tuulada Shaatoolow ee Gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qarax kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, balse weli aan la helin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada ayaa sheegay in mid kamid ah qaraxyada uu haleelay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah halka midka kale lala beegsaday Ciidamo lugeeynayay.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Maamulka Gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee dhowr jeer ayaa Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen wadada xiriirisa Magaalooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.