May 5, 2022
Wariye Jabra oo goordhow ku geeriyooday Muqdisho.
Tacsi Tiiraanyo leh.إنا لله وإنا إليه راجعون.Guud ahaan Maamulka Websrka Somaliweyn & wariyaasha kala duwan dalka waxay tacsi u dirayaan Qoyski iyo Qaraabadi uu ka geeriyooday Wariye ING. Jabriil Maxamuud (Jabra) Gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed oo uu qalbigooda uu ku waynaa. Allaha Qabrigiisa u waasiciyo janadii fardowsana haka waraabiyo.Aamiin Aamiin Aamiin.
Waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay.
Kulan ay maanta yeesheen gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayay go’aan ku gaareen in waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha ay noqon doonto 15 ka bisha May ee aan ku jirno. Doorashadaan oo uu ku yimid dib u dhac mudo sanad iyo dhawr bilood ah ayaa soo afmeereysa xasaradihii mudada jiray ee ka dhahsay.
Real Madrid oo guul soo laabasho taariikhi ah ka gaartay Man City.
Real Madrid ayaa iska xaadirisay finalka Champions League kaddib markii ay guul soo laabasho taariikhi ah kaga gaartay Manchester City 3-1, ciyaartii lugta labaad wareega afarta ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu, waxayna Los Blancos cel-celis ahaan labada kulan ee wareegan kaga soo gudubtay 6-5. Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Real Madrid iyo […]
Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Gedo.
Ciidamo katirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa qaraxyo Miino & weerar toos ah lagula beegsaday inta u dhaxeeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolkaasi Gedo. Ciidamada oo ka yimid dhinaca Itoobiya ayaa ku wajahnaa degmada luuq, waxaana Kolonyo galbineysay laba qarax lagula beegsaday Tuulada Shaatoolow ee Gobolka Gedo. Goobjoogayaal ayaa waxaa […]
Maraykanka oo siinaya Ukraine, diyaarado loo iibiyey Afghanistan.
ISLAMABAD :- Hay’ad u xilsaaran la socodka dhacdooyinka dalka Afghanistan ayaa sheegtay in dalka Maraykanku uu Ukraine siinayo illaa 16 diyaaradood oo ah nooca sida qumaatiga ah u kaca ee loo yaqaano Mi-17, kuwaas oo ka mid ahaa hub Maraykanku uu u iibiyey dalka Afghanistan. Waaxda Difaaca Maraykanka ee loo soo gaabiyo (DOD) ayaa ku […]
Xoghayaha QM oo cambaareeyey weerarkii xerada Ceel-baraf.
NEW YORK – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi. “Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray […]