1 min read

UK oo ka digtay weeraro Al-Shabaab ka gaysanayso saacadaha soo socda Soomaaliya.

War-saxafaadeed ay soo saartay Safaarada UK ee Soomaaliya ayaa waxa ay muwaadiniinteedi uga digtay khatarta aadka u sareeysa ee weerarada Argagixisada ay geeysan karaan kaas oo lagu bartilmaamaysanayo danaha reer Galbeedka ee Somalia, iyadoo Safaradu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ka jirto khatar sare oo afduub ah.

Kooxaha argagixisada ayaa hanjabaado u jeediyay reer galbeedka iyo kuwa u shaqeeya ururada reer galbeedka, sida lagu yiri warka safaarada kasoo baxay.

Sidoo kale, waxay sheegtay In magaalada Muqdisho ka jirto cabsi joogta ah oo ku aadan weeraro argagaxiso, iyadoo xustay UK in wali ay sii socdaan abaabulka weerarada ka dhanka ah reer galbeedka ee ku sugan Soomaaliya inteeda kale oo ay ku jirto degaanada Somaliland.

“Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo ay ku jiraan meelaha dadku ku badan yahay, meelaha caanka ah ay fadhiistan oo ay ku lug leeyihiin saraakiisha dawladda iyo meelaha ay ajaanibku booqdaan.” qoraalka Safaarada UK ee Soomaaliya ayaa sidaa lagu yiri.

Sidoo kale, UK ayaa tilmaamtay in Isticmaalkooda saraakiisha dowladda awgeed, waxaa hoteellada loo arkaa bartilmaameedyo sharci ah oo ay argagexisada al-shabaab doonaayan inay weeraro ka fuliyaan.

Ugu dambeyn, Muwaadiniinta Uk ee Soomaaliya ku sugan ayaa loo sheegay in ay iska hubiyaan maamulka deegaanka ka hor inta aysan u safrin xuduudaha.