1 min read

Sheekh Aadan Madoobe oo si rasmi ula wareegay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kadib markii la soo gabagabeeyay doorashada Guddoonka Golaha.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamad Mursal ayaa kulanka khudbad ka jeediyay ka dib markii uu xilka ku wareejiyay gudoomiyaha cusub Sheekh Aden Madoobe,

Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo kulanka xiga ee Golaha Shacabka isaga oo sheegay inay noqon doonto 4 bisha soo socotay ee May.