|

in ka badan 10 askari oo lagu dilay qarax miino.

JOWHAR:-Ugu yaraan 10 Askari ayaa lagu dilay qarax miino oo xalay saqdii dhexe loo dhigay kolonyo uu la socday Col Saney Cabdulle inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo Balcad.

Kornayl Saneey Cabdulle oo ahaa sargaalka qaraxa lagu weeray ayaa ka badbaaday sida ay VOA u sheegeen ilo warned degaanka ku sugan.

Sarkaalkan ayaa ku socday magaalada Jowhar, si uu kor joogto ugu noqdo doorashada kursiga HOP 141 oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaaladasi.

Askarta geeritootay ayaa loo qaaday Jowhar, halka kuwa dhaawacmayna loo celiyay magaalada Muqdisho.

Posted by on Apr 30 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]