1 min read

Aqalka Cad oo ku raacay hadalkii Biden ee ahaa in Putin uu ‘xasuuq’ ka geystay Ukraine.

WASHINGTON:-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xoojiyay bayaankii Talaadadii madaxweyne Joe Biden uu ku sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin laga yaabo inuu xasuuq ka geysto dalka Ukraine.

Biden ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Washington ay u dirayso Ukraine $800 million oo kale oo isugu jirta hub, rasaas iyo kaalmooyin kale si ay isaga difaacaan duullaanka uu ku qaaday Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Arbacadii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zlensky khadka telefonka ugu sheegay shixnadda cusub, kadibna bayaanka uu soo saaray ayuu ku sheegay in milatariga Ukraine ay dagaalka u isticmaaleen hubka ay siiyeen, Maraykankuna uu sii wadi doono in Ukraine uu siiyo awoodo ay isku difaacaan.

Xoghaya warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay in madaxweyne Biden uu ka hadlay waxa iyaga u muuqda sida uu u dareemayo iyo falalka arxan darrada ah ee halkaasi ka dhacaya.

Waxay intaasi ku dartay in ujeeddooda ay ku caddahay kaalmada milatari ee ballaaran ee shalay ay soo bandhigeen, iyadoo sheegtay inay sii wadayaan caawinta dadka Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka, halkaas oo aan arkeyno in maalin walba ay xasuuqyo ka dhacayaan.

Laakiin afhayeenka Kremlin ka Dimirty Peskov ayaa kasoo horjeestay hadalka Biden isagoo sheegay tallaabada noocaan oo kale lagu marin habaabinayo xaaladda islamarkaana ay tahay wax aan la qabali Karin.