1 min read

Doorasho Maanta ka dhacaysa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad Goboleed ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Axad ah ay Magaalda Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ku qabtaan doorashada hal kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in la qabto doorashada Saddex kursi balse is qabqabsi weli ka jira laba kursi dib loo dhigay doorashadooda, waxaana Maanta kaliya la qabanayaa doorashada kursiga Hop#140.

Kursigaan ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cabduqaadir Cosoble Cali, waxaana doorashada Maanta kula tartami doona Cabdikariin Cilmi Tifoow.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa la filayaa in dhawaan uu soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka, waxaana uu cadaadis kala kulmayaa wakiilada Beesha Caalamka oo doonaya in la dhameystiro doorashaooyinka.