1 min read

lix ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Baydhabo.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah ay diiwaangeliyaan musharrixiinta lix ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa 28-kii Bishii la soo dhaafay ee Febaraayo shaaciyay liiska lixda Kursi oo doorashadooda Maalinta Berito oo khamiis ah lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, waxaana lixda kursi ee doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin.

1: Hop#275 oo uu hadda ku fadhiyo Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.

2: Hop#230 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).

3:Hop#183 oo uu ku fadhiyo Sandheere Maxamed Iftin.

4: Hop#178 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.

5: Hop#050 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

6: Hop#253 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada qorshihii uu kusoo geba-gabeyn lahaa kuraasta guud ahaan laga soo doorto degaannada Maamulkaas, waxaana hadii Maalinta berito ah la qabto doorashada lixda kursi u hari doona 13 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo.