1 min read

Golaha badbaadada Hirshabelle oo dhowaan lagu dhawaaqayo

Kulamo kala duwan oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayna isugu yimaadeen waxgarad, siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxgarad, dhallinyaro iyo haweenka ka soo jeeda beelaha degaanada Hirshabelle ayaa bilaabay kulamo is daba joog ah.

Kulamadaan oo looga arrinsanayo aayaha gobollada hoos yimaada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ugu dambeyn la isku afgartay in lagu dhawaaqo Golaha badbaada Hirshabelle.

Ujeedada ku dhawaaqista golahan cusub ayaa lagu sheegay inay ka dbeysay horumar la’aanta ka jirta degaanada Hirshabelle, ku takri falka awooda maamulka iyo horumar la’àanta heysata shacabka ku dhaqan degaanadaasi.

Golahan oo ka kooban dhamman qabilada dego hirshable ayaa ugu horeyn cambaareeyay sida loo maamulayo dorashoyinka magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo aanay wax door ku lahayn odayaasha iyo ergooyinka beelaha.

Nuqul ka mid ah qoraal ka soo baxay golaha aan weli si rasmi ah loo shaacin oo ay heshay shabakadda Somaliweyn ayaa hoosta looga xariiqay in tallaabooyinka ugu horeeya uu ku dhaqaaqayo ay ka mid noqonayaan sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo ammaanka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.