1 min read

Ruushka oo laga cabsi qabo In bisha soo socota uu weeraro Ukraine.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay madaxda Ukraine suurtogalnida dagaal uu Ruushku ku qaado dalka  Ukraine bisha Febraayo ee soo socota, xilli Mareykanku uu doonayo in kulan furan uu la qaato  golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Biden oo madaxda Ukraine taleefan kula xiriiray ayaa sheegay in Ruuska ay qorsheynayaan faragalin mileteri oo la doonayo in bisha Febraayo lala beegsado dhulka dalkaasi,wuxuuna ku talliyay in laga fogaado dagaal keena dhibaatooyin hor leh.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in wadahadalku uu weli suurtagal yahay in lagu soo afjaro qalalaasaha, laakiin Biden ayaa mar kale bixiyay digniin adag iyada oo ay jirto walaac isa soo taraya oo laga qabo in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu bixiyo duullaan lagu qaado dhulka Ukraine waqti aan aan fogayn.