1 min read

Man City oo Arsenal kala wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League.

Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay tan iyo bishii Febraayo la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo Erling Haaland uu gaaray heerar kale oo muhiim ah markii ay 2-1 kaga badiyeen Fulham Axadii.

0

Haaland waxay ku qaadatay seddex daqiiqo oo kaliya inuu dhaliyo goolkiisii 34-aad ee Premier League ee xilli ciyaareedkiisii taas oo noqoneysa rikoor cusub ee uu kula sinmay Alan Shearer iyo Andy Cole.

Xiddiga reer Norway ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka ciyaara horyaalka England ee dhaliyay 50 gool tartamada oo dhan hal xilli ciyaareed tan sannadkii 1931-dii markaas oo Tom Waring uu sidaas oo kale Aston Villa u dhaliyay 50 gool.

Waxa ay City hadda hoggaanka ku hayaan 76 dhibcood halka Arsenal ay leedahay 75 dhibcood, iyada oo City aysan weli ciyaarin kulan u harsan.

Fulham ayaa weli ku jirta kaalinta 10-aad.