1 min read

Shirwaynihii culimada Soomaaliyeed uga socday Muqdisho oo la soo gabagabeeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta gelinkii dambe lagu soo gabagabeyay shirweynihii culimada Soomaaliyeed, ee halkaa ka socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay .

Shirkaan ayaa looga hdlayay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-shabaab dowladda iyo shacabku kula jiraan kaas oo ka socda qaybo ka mid ah dalka, dhisidda hay’ad culimadu leedahay iyo doorashada Mufti wax laga waydiiyo arrimaha diinta.

Waxyaabaha ay isku raaceen culimadii shirka ka qayb gashay kulanka waxaa ka mid ah in dawladda Federaalka Soomaaliya ay billowdo iyada oo si degdeg ah u dhammeystireysa diyaarinta hannaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha Sare oo Culimadu leedahay.

Waxaa la sheegay in golahaas laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dowladda oo leh sharci u gaar ah.

Sidoo kale waxaa ka mid ah qodobbada la soo saaray cadeynta in dawladda federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka diinta Islaamka.