1 min read

Duqeyn ka dhacday Gobolka Mudug oo lagu dilay 40 ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay weerar ku qaadeyn Deeganka Beer-faarax oo dhaca waqooyi galbeed Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug.

Warka ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay Duqeyn Cirka ah ka fuliyeen Saldhig ay Dgaalamayaasha ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka, iyaga oo la wareegay deegaanka.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidanka ay shaaciyeen in ay ku dhawaad 40 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay Duqeynta. Sida lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu gaaro Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.