1 min read

Harqaanlihii Tuulada!!!.

Tuulo ayaa waxaa joogay Nin oday ahaa oo Harqaanle ah, Dadka sii fiican ayuu Dharka ugu tolaa, Dakhli Fiicanna waa ka helaaa. ( F.S: 1aad).


Nin Miskiin ah ayaa u yimid oo ku yiri: war Ninyohow, Dhakhli fiican ayaa ku soo galo Dadka Masaakiinta ahna waxba ma siisid.
Ninkaa Kawaanlaha ah ee Tuulada joogo, weligii Sadaqo ayuu Bixin jiray, Dadkana Hilib sadaqa ah ayuu Guryahooda ugu geeyaa Habeenkii. Waana Nin Faqiir ah. Adiga oo Alle Hanti ku siiyay maxaa kuu diiday in aad Masaakiinta caawiso.

Harqaanlihii waa ilka cadeeyay, waana iska Aamusay. Maalma kadib Harqaanlihii ayaa xanuunsaday, Cidina sooma booqan, kadibna waa geeriyooday.
Maalma kadib Dadkii Tuulada ayaa u tagay, Kawaanlihii oo ku yiri: war Nin yohow Nin Sadaqo badan oo aan u duceeyno ayaad aheyd, Laakin Maalmahaan waad joojisay Sadaqadii maxaa ku helay?.
Kawaanlihii ayaa yiri: Hilibka aan Sadaqeysan jiray waxaa bixin jiray Harqaanlihii isagiina waa geeriyooday, Anigana wax iima gadmaan, Adinkuna Hilib ma heshaan.

Sheekadaan, waxaan ku soo xasuustay, Somaliya ayaa…..
Sug bal, Horta wixii aan ku soo xasuustay sheekada ayaanba Hilmaamay. Maxeey aheyd?

Qore: Yahya Amir