4 mins read

1000 Dollar aaaa!!!. Masaakiinta ma qabto.

Inta badan Gudoomiyayaasha Degmooyinku marka ey cusubyihiin waxa ey amraan bixinta Lacago cusub oo Degmada wax loogu qabanayo, muddadii ayaana ka dhamaato iyada oo aan wixii la qaban, kan ku xigo ayaa hadana na amro bixinta.

Guriga aan ka deganahay Degmada Wadajir Maanta waxaa lagu soo qoray in la bixiyo 1000 Dollar taa oo ka badan Kirada aan Bishii bixiyo ee aan siiyo Milkiilaha, Lacagtaa oo la leeyahay waxaa lagu sameeynaa Wadooyinka Biyuhu xireen ee Degmada ( F.S: 1 & 2aad)
Iyada oo weliba loo qabtay in lagu ku bixiyo muddo 5 Cisho ah, haddii lagu bixi waayana Ciqaabu ka dhalanee.

Waan bixinaa Cashuurtii Caadiga aheyd. weliba markii la soo magacaabay Duqa cusub.Md. Madaale, isaga oo Dadka u naxariisanaa, waxaan maqlay in uu yiri: ilaa Sanadka cusub wax Cashuur ah Dadka loogama qaadi karo si horuumaris ah, ileeyn tii Sanadkaan hore ayeey u bixiyeene.

Waddo waa u baahanahay, waxaase nooga muhimsan Nabadgalyadii aan ku mari laheeyn Waddadaa. In marka hore Degmadu ey nabad nooga dhigto. Nabadgalyo xumida guud waxaan la qabnaa Magaalada, Laakin, Xaafaddena waxaa joogo Kooxo la Magac baxay “Gangs” , oo ilaa Sideed nuuc ah, Xaafaduhuna u kala xiran yihiin. oo kooxiba dhinac sheegato.
Tusaale: Fiiri, waxa ku qoran Darbiga Guriga aan deganahay, Deriska iyo Xaafadduna waa ila mid. ( F.S: 3- 7aad )

Reer Wadajir ahaan waan u baahanahay in la sameeyo Bulaacado Biyaha qaado, waa Mashruuc weyn oo ey aheyd in Wasaaradda Howlaha Guud, Gobalka iyo Deeq bixiyayaashu iska kaashadaan. Deegaankuna wixii tabartiisaa iyo Xoogiisa uu uga qeyb galo. F.S: 8 & 9aad)

Markii la dhagax dhigayay Mashruucaan wax looga qabanayo Biyaha Wadooyinka naga xiray, Xaafad ahaan waan soo dhaweynay Duqii hore ee Magaalada iyo Madaxdii Gobalka, waxa eyna noo sheegeen in iyagu ey bixinayaan kharajka oo aan wax nalaga rabin. ( F.S: 10- 14aad)

Waxaa kale oo aan ognahay in ey jirto Lacago Deeq bixiyayaashu ugu tala galeen kaabayaasha Magaalada iyo arrimahaan oo kale in wax looga qabto. Tusaale:

Waxaa 9 Dec.2019 lagu saxiixay Magaalada Washington- USA, Heshiis lagu horuumarinayo Magaalooyinka, Mogadishu, Garowe, Kismayo iyo Baydhabo. Waxaana ku baxeyesay 50 Million Dollar oo ka timid Mashruuca ( The Somali Urban Resilience Project ( SURP), iyo 62 Million Dollar oo ka timid IDA , wadar ahaan waa 112 Million Dollar. Waxaa kale oo Maalgalintaa la marsiinayay ( The Somali Multi-partener Fund ( SMPF).
Waxaa kale oo jirtay in ” Horn of African Infrastructure” laga sugayay 5 Million Dollar oo dheeri ah.
Dowladda Hoose ee Mogadishu qoondadeeda waxa ey u kala qeybsatay Afar: 1. Infrastructure. 2. Capacity Building. 3. Operation & Maintenance. 4. Project Management. Si loogu horuumariyo Baahida Dadka ku nool Magaalada Mogadishu.
Dhinaca kale Dowladda Jarmalku iyada oo sii marsiinee Bangiga Horuumarinta KFW waxa ey ku caawisay MPF Lacag ku dhaw 52 Million Dollar oo loogu talagalay kaabayaasha Magaalada “Urban infrastructure”.
Lacagahaas wax lagu qaban waayay miyaa lagu qaban karaa Lacag yar oo laga soo ururiyay Jeebka Masaakiinta Wadajir.

Sharci ma u leedahay Degmo in ey go’aamiso Cashuur. Haddii Cashuur cusub la sharciyeynayo, waa in ey martaa, Wasaaradda Maaliyadda, Golaha Wasiirada iyo Golaha shacabka.
Haddii Degmadu u baahato wax yar oo tabaruc ah oo aan Cashuur aheyn, oo Dadka wax loogu qabanaa waa in ey Dadka deegaanka u yeertaa kala tashataa tabartooda, haddii ey diidaanna laguma khasbi karo.

U maley maayo in Shaqaalaha Degmada uu ku jiro Qof 1000 Dollar Mushaar u qaato, Dadkuna waa idinka sii liitaan, Dadka Kirada Bixiyana waxaa ku sii kordhayo kiradii, taasina waxa ey Dhalinee Nabadgalyo Xumo ka timaad dhinaca Dhaqaalaha.

Anniga iyo Deriskuba waa yaabanahay, nalagalama tashan awooda Jeebkeena, Dadka Deegaankana Nolol Maalmeedkii ayaa Ciriiri uga jiro. Sidaa Darteed waxaan ka Codsaneynaa Maamulka Degmada iyo Kan Gobalku iyaga oo tix galinayo Sharci ahaan shaha, Culeeyska Lacagta, iyo Xaaladda Dhaqaale ee Dalka ka jirto in Go’aankaa 1000 Dollar ah laga dhaafo Dadka.
Guud ahaan Dadka Magaalada Mogadishu yaan la saarin Culeeys ka badan Awoodooda Dhaqaale.

F.G: Wixiicka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir